Waa maxay Machine Learning?

What is machine learning?

Waa maxay Machine Learning?

Machine Learning-ku (ML) waa nooc ka mid ah waxa loogu yeedho Garaadka macmalka ah(Artificial Intelligence AI) kaas oo u oggolaanaya softwarada inay noqdaan kuwo sax ah marka la saadaaliyo natiijooyinka la naawilaayo (Predicting outcomes) iyada oo aan si aad u saraysa loo programin . Algorithms-yada Machine Learning-ku waxay isticmaalaan xogta hore u jirtey ama taariikhi ah (historical data) , si ay u saadaaliyaan qiyamka wax soo saarka cusub (Predict new output values).

Matoorada soo jeedinta sameeya (Recommendation engines) ayaa ah kuwa loo isticmaalo Machine Learning-ka. Waxyaabaha kale ee caanka ah ee loo adeegsado waxa ka mid ah ogaanshaha khayaanada (Fraud Detection) , shaandhaynta spamka (Spam Filtering) iyo ogaanshaha khatarta malware-ka

(Malware Threat Detection) , oo aan dib uga hadli doono inshallah.

Maxay tahay sababta Machine Learning-ku muhiim u yahay?

Machine Learning aad ayuu muhiim u yahay sababtoo ah waxay siinaysaa shirkadaha aragtida isbeddelada habdhaqanka macaamiisha(trends in customer behavior) iyo qaababka hawlgelinta ganacsiga,sidoo kale wuxu taageera oo qayb ka qaataa horumarinta alaabada cusub. Qaar badan oo ka mid ah shirkadaha maanta hormuudka ka ah Technology-da, sida Facebook, Google iyo Uber, waxay ka dhigeen Machine Learning-ka qayb udub dhexaad u ah hawlahooda. Machine Learning-ka ayaa shirkado badan ka dhigay qaar ku guuleysta suuqa ganacsiga ee dunida.

Facebook waxay isticmaashaa Machine Learning-ka si ay u ogaato sida qofkasta uu usoo gaadho waxyaabaha lasoo dhigaa (News Feed). Tusaale Hadii aad iska joojiso in aad akhrido Qoraal (Post) lasoo dhigay group, islamarkiiba Matoorada soo jeedinta sameeya (Recommendation engines) waxay bilaabayaan inay ku tusaan waxyaabo kale oo hore u yaalay groupka.

Hadii uu qofku marwalba iska dhaafo waxyaabaha lasoo geliyo groupkaas Matoorada soo jeedinta sameeya (Recommendation engines) waxa ay la qabsanayaan oo ogaanayaan hab-dhaqanka qofkaas, waxa ayna qofka ka deynayaan in lasoo hordhigo waxyaabaha lasoo geliyo group-kaas.

Sidaas si lamid ah Matoorada soo jeedinta sameeya (Recommendation engines) hadii ay ogaadaan in aad xiiseyneyso group gaara ama qof gaara waxyaabaha uu soo dhigo, waxa ay marwalba ku soo hordhigi doonaan wax kasta oo cusub oo lasoo dhigo, xitaa waxa ay dib kuu xasuusinayaan waxyaabah aanad arag ee waqti hore lasoo dhigay.

Gawaarida iswada ayaa loo isticmaala Machine Learning-ka . Algorithms-yada Machine Learning-ku waxay suurtogal ka dhigeen in baabuurta Qayb ahaan-madax-bannaan (semi-autonomous cars) uu aqoonsado oo garto xitaa shay qayb kamid ahi muuqato oo uu uga digo darawalka.

Machine Learning-ka wax kale oo ku dhisan yahay Barnaamijyada Antiviruseska loo adeegsado, waxa uu doorweyn ka ciyaara qalabka caafimaadka lagu baadho,sidoo kale Games-ka ayaa ka mida waxyaabaha ugu badan ee Iyana loo adeegsado marka la dhisayo.

Goobaha( Platforms) lagu barto Machine Learning-ku waxay ka mid yihiin goobaha ugu tartanka badan ee tignoolajiyada ganacsiga, Muruqya weynta technology-da sida Amazon, Google, Microsoft, IBM iyo kuwa kale, ayaa u tartamaya si ay macaamiishu isaga diwaan gelin lahaayeen Goobahaas oo daboolaya noocyada kala duwan ee barashada Machine Learning-ka, sida xog ururinta (data collection), diyaarinta xogta(Data Preparation), kala-soocidda xogta(Data Classification), qaab-dhisidda moodalka(model building), tababarka iyo Hirgelinta Application-ka(training and application deployment).

Waa maxay Machine Learning?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to top
Caarif Media Tech
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.