Airplane mode-ku ma faragelinkara qalabka diyaaradduhu ku shaqeeyaan?

Airplane mode-ku waxa uu xidhaa / damiyaa nidaamka Wireless-ka ee taleefankaaga kaas oo laga yaabo in uu farageliyo qalabka diyaaradduhu ku shaqeeyaan.

Iyada oo loo eegayo nooca taleefanku (Model) yahay iyo systemka uu ku shaqaynayo OS, Airplane mode-ku waxa uu joojin karaa Wi-Fi iyo Bluetooth-ka, laakiin ma awoodo inuu damiyo/Xidho GPS-ka

In kasta oo adeegyada location-ka talefankaagu shaqaynayaan Marka Airplane mode-ku daaranyahay, hadana taleefankaaga laguma daba socon karo aaladaha ama adeegyada kaa madaxa banaan.

Airplane mode-ka taleefankaaga waxaa loogu talagalay in lagu damiyo signals-ka wireless-ka ee laga yaabo in ay khalkhaliyaan nidaamyada elektaroonigga ah ee xasaasiga ah ee diyaaraddaha. Laakiin waxa la yaab leh, ma jiro qeexid caalami ah oo Airplane mode-ka ku saabsan.Iyada oo loo eegayo nooca taleefanku (Model) yahay iyo systemka uu ku shaqaynayo OS, taasi waxay la macno noqon kartaa oo keliya inuu demin karo adeegga gacanta(phone’s cellular) ee taleefanka, oo ay weheliyaan Wi-Fi-ga iyo Bluetooth-ka, si kastaba ha ahaatee, Airplane mode-ku ma faragelin karo awooda aad u leedahay in aad isticmaali karto GPS-ka iyo adeegyada kale la xidhiidha (locations-ka) goobta taleefankaaga.

Aynu usoo noqono su’aasha ah Airplane mode-ku ma demin/xidhi karaa adeega goobta aad joogto (Location service) ee telephone-kaaga?

Taleefanka gacanta isaga ayaa sheega meesha lagu isticmaalayo isagoo isticmaalaya satalaytka GPS-ka isagoo ka helaya calaamado (signals) satalaytyo badan ,Taleefankaaguna ma soo dirayo wax calaamad (Signals) ah si (location services )adeegyada goobtu u shaqeeyaan – kaliya wuu helayaa signals-ka. Taasina waxay ka dhigan tahay inaysan jirin khatar ah in nidaamka GPS-ka ee taleefankaaga uu faragelin-karo hawlaha diyaaradaha.

Sida la ogaadey, telefoonada intooda badani ma xidhmo adeegyada goobta (location service-ku) marka aad shido (Airplane mode-ka) qaabka diyaaradda. Taas macnaheedu waa apps ku tiirsan adeegyada goobta wali si sax ah ayeey u shaqayn doonaan.

Tusaale ahaan, tijaabooyin taxane ah oo aanu samaynay, raad-raacayaasha tillaabooyinkaaga ama barnaamijyada socodka qofka tiriya, sida Apps-ka caafimaadka ee iPhone iyo Apps-ka Android ee Google Fit-ka si sax ah ayeey u shaqaynayeen markii aanu shidnay (Airplane mode-ka) qaabka diyaaradda.

Taleefankaaga ma lala socon karaa marka la isticmaalayo ama uu daaranyahay (Airplane mode-ku) Nidaamka diyaaraddu?

Sababtoo ah Airplane mode-ku kama hortagayo GPS-ka inuu shaqeeyo, taasi macnaheedu maaha in taleefankaaga la raadin karo ama goobtaada ay isticmaali karaan adeegyada aan ku jirin taleefankaaga. Si goobta taleefankaaga looga dhigo mid laga heli karo aaladaha ama adeegyada kale, taleefankaagu wuxuu u baahan yahay inuu awood u yeesho inuu xogtaas ku diro internetka.

Haddii aad goobtaada(location-kaaga) la wadaagaysay qof kale, tusaale ahaan, taasi waxay u badan tahay in aanu ku shaqaynayn Airplane mode-ka, sababtoo ah telifoonku Airplane mode-kiisu waxa uu hakiyaa adeega gacanta(cellular service-ka) iyo suurtogalnimada Wi-Fi ga (iyada oo loo eegayo nooca telefankaagu yahay) sidoo kale. Haddi talefankaagu aanu la xidhiidhi karin aaladaha kale, lamana wadaagi karo goobta uu yaal (location-ka).

Sidoo kale, barnaamijka Apple’s Find My service ma shaqeeyo haddii (Airplane mode-ku)qaabka diyaaraduhu shidmo oo Wi-Fi-gu aanu diyaar ahayn – Find My Phone wuxu awood u yeelanayaa in uu ku tuso oo keliya location-ka markii ugu dambaysay ee uu telefankaagu internetka ku xidhnaa.

Airplane mode-ku ma faragelinkara qalabka diyaaradduhu ku shaqeeyaan?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to top
Caarif Media Tech
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.